Welcome to Ministry of Livestock

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta & daaqa jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya xildhibaan sheikh Nur mohamed hassan…….

13 Sep

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta & daaqa jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya xildhibaan sheikh Nur mohamed hassan…….

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta & daaqa jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya xildhibaan sheikh Nur mohamed hassan ayaa ka qaybgalay shirka 86aad ee golaha guud ee hayadda caafimaadka xoolaha adduunka ee OIE .

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah khubaro ka tirsan wasaaradda xanaanada oo iyaga qayb ka ahaa shirar Farsamo oo gaar gaar ah.

Wasiirka ayaa shirka golaha guud la wadaagay xaaladda xoolaha Dalka dhanka cafimaadka, ganacsiga & kordhinta tirada xoolaha .

Shirkan qaybtiisa heer wasiir waxaa diiradda lagu saaray samafalka xoolaha iyada oo aad loogu dhaliilay xadgudubyada ka dhanka ah xoolaha sida dhaawicidda, dayacidda & ku danaysiga daryeel laanta ah ee xoolaha.

Shirkan oo socon doona ilaa 27 bisha ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo wax tar u leh xoolaha maadaama Dalkeenu dhaqaalihiisa ku tiirsanyahay 60% tirada Dalkeena.

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing